|
|
|
|
||
|
Bediilka (alternative) Dhuxusha Dhirtu waa: shooladaha Gaasta (kerosene stoves) |
||
| Maxamuud Sh. C/llahi | ||
|
11 Jul 2005 |
||
|
Warqaddani uma ay qalin qaadan inay ka hadasho faa’iidada weyn ee qiimo loo dhigaa jirin ee ay leeyihiin dhirta iyo deegaanku . Waxay toos u guda gelaysaa is-barbardhigga dhuxusha dhirta iyo ilaha kale ee tamarta laga helo sida korontada, dhuxul-dhagaxda iwm. Warqaddani waxay qabtaa in shooladaha gaastu (kersone stoves) beddeli karaan dhuxusha dhirta; waa haddii reer magaalku sidaa isla garto. Tallaabadaas oo loo hawlgalaana badbaadin karto miyiga iyo xoolo-dhaqatadaba. Akhriste intaad qoraalkan akhriyeyso, erayga dhuxusha, haddii aan la cayimin, waxa looga jeedaa dhuxasha dhirta laga soo shido. Sannadkii 1989kii waxaa dawladda Ingiriiska haya’deeda ODA ay maalgelisay deraasad ku saabsan xal-u-helista dhibaatada tamarta ee magaalooyinka Soomaaliya, gaar ahaan lafagurka bediilka (alternative) dhuxusha-dhirta ee tamarta u ah dhamman magaalooyinka. Deraasaddaa waxaa sameeyey ETC (UK) Consultants for Development and Planning. Warbixintii ay soo saareen waxay ku lafagureen kaalinta laxaadka leh ee dhuxusha laga shido dhirtu ay kaga jirto tamarta laga isticmaalo magaalooyinka, gaar ahaan wax-karinta. Tamarta ugu badan ee dalalka Afrika, badi Afrikada Saxaaraha ka hooseysa, waxaa isticmaala qoysaska iyagoo ka dhaliya dhuxul laga soo shiday dhirta. Waxaa kale oo dhuxusha lagu isticmaalaa makhaaxiyaha iyo restaurant-yada magaalooyinka dalka oodhan. Muqdisho oo tirada dadka ku nool lagu qiyaasay markaa 1 million, dhuxusha lagu quuto sannadkii waxay warbixintu ku qiyaastay 155, 000 tonne. Hargeysa oo maanta lagu qiyaasay tirada dadka ku nool 700,000; waxa lagu shitaa bay noqonaysaa 110, 000 tonne oo dhuxul ah. Fadlan, akhriste, bal indhaha isku yar qabo oo malee inta geed ee ay tahay in la soo jaro si looga haqabtiro dhuxusha Hargeysa keliya. Waa arrin xil ka saaran yahay masuuliyiinta, gaar ahaan Mayor-ka magaalada Hargeysa. Sidaa darteed waa in la helo qorshe (policy) ku aaddan dhuxusha, lana fahmaa suuqa tamarta (dhuxul, kerosene, koronto, neefta haamaha(LPG) iwm) Somaliland sida uu u shaqeeyo iyo isirrada (factors) saamaynta ku leh suuqaas. Bal aan qaarkood kaga yara falanqoodo halkan: 1. Korontada: sida laga warqabo korontada (electricity) hadda jirtaa Hargeysa xataa kuma wada filna. Teeda kale in guri walba koronto ku jirtaa, isla markaana yeeshaa qalabka korontada ee wax-lagu kariyo waa mid aan suuragal ahayn mustaqbalka aynu malayn karno (foreseeable future). Ma lahayo maalgelinta xaddigaa leh ee Hargeysa u suuragelin karta in guri kasta loo helo koronto wax lagu ifsado, waxna lagu karsado. Waxaa intaa weheliya ma jirto si ay qoysaska danyarta ahi – waa shacabka intiisa badane – u soo xidhan karaan koronto ama isaga bixin karaan qiimaha korontada wax-lagu karsado. Qaarkood qalabka korontada ku shaqeeya ee wax-lagu karsado ma awoodi karaan inay soo gataan/iibsadan. 2. LPG (Liquefied- Petroleum Gas): oo ah neefta haamaha lagu qaato, iyana waynu ognahay inaanay Somaliland lahayn warshad safaysa saliidda caydhin ee petrol-ka. Sidoo kale ma laha haamo lagu kaydin karo neefta LPG. Sidoo kale ma lihin tas-hiilaadka (facilities) lagu qaybiyo neeftaas. Sidaa darteed LPG ma aha waddo lagaga bixi karo dhuxusha. 3. Dhuxul-dhagaxda: iyadu way noqon kartaa bediilka (alternative-ka) dhuxusha dhirta, laakiin su’aashu waa: waddankeena ma laga helaa, haddii laga helana ma la soo qodi karaa? Jawaabta su’aasha hore waa haa, jawaabta ta dambena waa maya. Dhuxul-dhagaxda lagu sheegay gobolka Sanaag weli waxay u baahan tahay deraasad iyo baadhis (expolartion) dheer oo lagu ogaanayo xaddigeeda (amount), tayadeeda, iyo inay ganacsi-gal tahay iyo in kale. Sidaa darteed iyana ma aha waddo lagaga bixi karo dhuxusha-dhirta. 4. Dhuxusha dhirta oo la sii wadaa ma tahay waddo furan? Su’aashu waa maya. Dhirtoo dhammaataa, hadday wax sii hadheenba, waxay leedahay cawaaqib xumo: biyo iyo baad la’aan. Ilaah baan ka magansanay. Fadlan, Mayor Xuseen, meesha ka sara kac oo arrinkaa u gunto. Ilaah ha kula garab qabtee. Aamiin. Waxaanay warqaddani is-barbardhigga kore ku soo darin tamarta laga dhaliyo dabaysha iyo qorraxda, kol haddii aan guryaha, qoysaska, ganacsatada iyo qarankuba haysan tas-hiilaadkii iyo qalabkii suuragalinayey dhalinta iyo qaybinta tamarahaas iyaga ah. Waxay ila noqotay in aan ka saaro lafagurkan. Maxaa xal ah? Xalku wuxuu ka bilaabmayaa in la isla garto bediilka dhuxusha-dhirta, sida ay ku talo-bixisay deraasadaas uu dalka Ingiriisku maalgeliyey, oo ah: in la isticmaalo SHOOLADAHA GAASTA (kerosene stoves). Ogow in aanay ahayn wax inagu cusub: xeradii qaxootiga ee Dulcad-ba waa lagu isticmaalayey. GAASTA (kerosene), waa ta imikaba lagu shito faanuusta/feynuusta, waxay leedahay suuq suuragaliyey in gaastu gaadho xaafad iyo tuulo kasta. Waxaa soo dejiya, siday ila tahay, ma hubee, shirkadaha petrol-ka iyo naaftada keena. Dabeetanna waxaa loo qaybiyaa bakhaarada/kaalmaha; oo iyana u sii qaybiya dukaamada sii tafaariiqeeya. Sawirkaas, ama mid kale oo dhigma, ayaa lagala soo dhex-bixi karaa in soo-dejinta (importation) iyo qaybintu kerosene-tu tahay mid soo-jireen ah oo gaamurtay, la iskuna haleyn-karo. Galdaloolada muuqata, lana sii malo-awaali karo ayaa ah in waddanku heli karo iyo in kale lacagta adag ee lagu soo waaridayo qaddarka intaa le’g ee gaas (kerosene) ah ee loo baahan yahay. Laakiin waxaad taas ku ilowdaa in baadbaadinta dhirta, baadka iyo biyaha qiimo loo dhigaa jirin. Isla fahamka arrinkaa kore ka dib, waxaa xigi sidii dalka looga hirgelin lahaa shooladaha gaasta (kerosene stoves). Waxay warqaadani Mayorka Hargeysa kala talinaysaa wejiga kowaad (phase 1), waxayna leedahay: 1. In uu Mayorka magacaabo guddida tamarta (energy commission) kana kooban ganacstada shidaalka, wasaaradda daaqa & miyiga, shirkadaha dhuxusha, wasaaradda ganacsiga iyo kuwo kale. Isla markaana Mayor-ka laftiisu guddoomiye ka noqdaa, ilayn waa Injineer khibrad u leh arrimahane. 2. In la isku raaco muddada aan rabno inaan Hargeysa kaga goyno iscticmaalka dhuxusha; sidoo kalena dalka intiisa kale. 3. Marka xigta waa in la isla garto inta weji (number of phases) ee ay tahay inaan marno si aan ujeedadaa kore u gaadhno. 4. Marka xigta dalka la keenaa shoolado jaban. Dalka shiinaha waxaa laga soo heli karaa shoolado jooga $1-2 doolar. 5. Marka xigtana, in cashuur iyo royalty dheeraad ah, aad iyo aad loo dalacay, laga qaado shirkadaha dhuxul shidayaasha. Dhuxulna la shidi karin license la’aan. Ujeedadu waa in dhuxusha la qiimo noqotaa ama ka saraysaa gaasta. 6. Lagu baraarujiyo dadweynaha faa’idada shooladaha gaasta wax lagu karsado. 7. Dabeetana Mayorka Hargeysa soo saaraa sharci hoosaad (bylaw) ka maanacaya restaurants-ka iyo makhaaxiyaha inay dhuxul-dhireed wax-ku-kariyaan. Wejiga labaad waa in talaabdaa tu la mid ah raacaan magaalooyinka waaweyn ee waddanka intooda kale. Wejiga saddexaadna waa suuragelinta in shooladaha lagu sameeyo dalka gudihiisa. Lana soo saaro xeer qaran oo ka maanacaya in dhuxul la soo geliyo magaalooyinka waaweyn ee dalka. Warqaddani waxay ka gaabsatay inay wax ka tidhaa dhoofinta dhuxusha. Arrinkani waa mid u baahan iskaashi dhexmara dawladaha iyo dawlad-goboleedyada Geeska Afrika. Markan kubbadda waxaan u soo laaday dhanka Mayor Engineer Xuseen Jiciir. Fadlan ka tali aayaha dalka, mustaqbalka ubadka. Ilaah ha kula garab-qabto. Aamiin. Reference: Dr Soussan, John (April 1990) Final Report on Alternative Energy Sources for Urban Areas, ETC (UK) Consultants for Development and Planning. Maxamuud Sh. C/llahiLondon 2/2/2005
|
||
|
Copyright © 2002-2003 Hargeysa Online , All Rights Reserved |
||
|
contact@hargeysa.org |