|
|
| Ciidamo itoobiyaan ah oo la sheegay in ay ka soo talaabeen xadka u dhaxeeya Somaliland iyo Djibouti | |||
| 4 Jan 2007 | |||
|
Hargeisa ( Somaliland Future Online), Warar
ayaa sheegaya in ciidan ku gaashaaman hubka culus iyo kan fudud oo
Ethiopian ahi ay ka soo gudbeen halka ay iska galaan xuduudada dalalka
Somaliland , Jabouti iyo Ethiopia, lagana war helay iyaga oo maraaya
meesha loo yaqaano ceel-gaal ee degmada Saylac agteeda maalintii
jimcihii iyo sabtidii ina dhaaftay.
Guddoomiyaha Gobolka Awdal ayaa qeylo dhaan arrintaasi ku saabsan u soo direy xukuumada Somaliland, waxaana halkaasi gurmad deg deg ah ugu baxay Wasiirada Arrimaha Gudaha , Qorsheynta iyo Macdanta iyo Biyaha oo ay la socdaan Saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidanka Qaranka, inkastoo ujeedada socdaalka Wasiioradaasi ay xukuumada Somaliland ku tilmaanatay inay deeq u soo qeybinayeen dadkii dhawaan roobabkii aagas ka da’ay ay waxyeeleeyeen. Ujeedada Ciidanka Ethiopianka ah ayaa lagu sheegay inuu ahay inay doonayeen nay qab-qabtaan firxadka Madaxda Maxaakiimta Islaamka iyo Xubnaha Al-qaaciidadada ah ee la socda eek u soo baxsaday dhanka badda , oo ay doonayeen inay kaga hortagaan soo gelitaankooda Degmada Saylac ee Somaliland , oo ay iyagu kolkaas u arkaan inay tahay Somalia meel ka mid ah. Balse, waxaa ay dirqi ku kala fakadeen oo ay isku dhici gaadheen ciidamada aagaasi degan ee Somaliland, oo arkay iyadoo ay ciidamo shisheeye kor taagan yihiin. Dhinaca kale , wararka ka imanaya deriska Somaliland ee Jabouti ayaa sheegaya in Dawladda Jabouti, ay Ciidankeedii ku soo teedisay xuduuda ay wadaagaan Somaliland, isla markaana ay miinooyin faro badan ku aaseen, isla markaana ay baneeyeen seddex goobood oo ay ugu talo galeen inay ku soo dhaweeyaan qaxootiga dhinaca Somaliland kaga yimaada kadib dagaalada ka dhacaaya Somalia, kuwaasi oo ah kuwa sida sharciga ah uga soo gudba Lawya-cado. Isku soo duuboo tan iyo markii laga soo eryey Jabouti Wakiilkii Somaliland u fadhiyey, isla markaana ay bilaabmeen dagaaladii Somalia, ma fiicna wararka dhaqdhaqaaqa meliteri ee laga soo sheegayo aaga Jabouti. Source: somalilandfuture.com
|
|||
|
Copyright © 2001-2007 Hargeysa Online , All Rights Reserved |
|||
|
contact@hargeysa.org |
boggahargeysa@yahoo.se |
||
|
|
|||