Dowladda Ethiopia oo qiratay in ay weerar ku sooq aaday Somalia  
  December 24, 2006  
 

 

 
   Mogadishu 24, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Dowladda Ethioipia ayaa waxa ay qiratay in ay dagaalo ku soo qaaday Somalia, isla markaana ay weeraro xoogan ku heyso gobolo ka tirsan Somalia.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Ethiopia ayaa waxa uu sheegay in dagaal xoogan oo cirka iyo dhulka ah ay ku hayaan goobaha ay joogaan ciidamada maxkamadaha islaamka Soomaaliyeed, isla markaana ay qasaaro u geeysteen dagaalyahanada iyaga ka soo horjeeda.

Wasiirka waxa uu sheegay in weerarka ay uga gol leeyihiin difaaca dalka Ethiopia si ay uga hortagaan ciidamada maxkamadaha islaamka, ka hor inta aaneey soo gaarin wadanka Ethiopia.

Wasiirka waxa uu si cad u qirtey in dagaalka haatan soconaya gobolka Hiiraan ay si toos ah isaga soo horjeedaan ciidamadiisa iyo kuwa maxkamadaha islaamka Somalia.

8 diyaaradood oo kuwa dagaalka ayaa saakay si toos ah uga qeyb qaadanayay Dagaalka ka soconaya deegaanada Jawiil iyo Kala Beerka, inkastoo ay wararku sheegayaan in ciidamada maxkamadaha islaamka ay guulo ka soo hoyeen dagaalka, ayna dib u riixeen kuwa Ethiopianka ahaa ee ka soo horjeeday.

Dhinaca kale Mas'uuliyiinta maxkamadaha ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegeen in ay gacanta ku soo dhigeen 12 askari oo Ethiopian ah, isla markaana ay ku hayaan gudaha magaalada B/weyne.

 

Source: Shabelle Media Network Somalia

 

 

 

 
     
 

Copyright © 2002-2007 Hargeysa Online , All Rights Reserved   

 
 

contact@hargeysa.org

boggahargeysa@yahoo.se