Jeelka weyn ee Hargeysa oo dib loo dhisayo  
  25 Dec 2006  
     
  Hargeysa, December 25, 2006, (Haatuf) – Xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa ayaa maanta sagaalka subaxnimo dumintiisa la bilaabayaa, ka dib markii dhamaan maxaabiistii ku xidhnayd jeelka weyn ee magaalada Hargeysa oo dhawrkii cisho ee u dambeeyey marba badh laga qaadayay shalay intii u dambaysay laga daad-gureeyey, isla markaana loo wareejiyey jeelasha kale ee dalka.

Sidaana waxa Haatuf u xaqiijiyey sarkaal ka tirsan hay’adda UNDP oo maalgelinaysa qorshe la doonayo in lagu dumiyo dhismaha qadiimka ah ee jeelka weyn ee Hargeysa, isla markaana lagu bedelo mid cusub oo casri ah.

Sarkaalkan UNDP oo ka jawaabayay su’aalo dhawra oo Haatuf ka weydiisay arrinta jeelka weyn ee magaalada Hargeysa waxa uu si kooban u yidhi “Maanta Sagaalka subaxnimo ayaanu duminta jeelka weyn ee Hargeysa bilaabaynaa, saxaafada waanu iskugu yeedhaynaa, anagoo isla goobtaa ka dhisayna jeel cusub oo casri ah, anagoo tixgelinay cabashadii dadweynuhu kaga cawdeen haddii jeelka magaalada dibada looga saaro aanay karayn inay baska cuntada uga geeyaan maalin kasta saddex jeer kharashkooda”.

Isagoo sarkaalkani intaa ku daray inay jeelka cusub qandaraas ku siiyeen laba shirkadood. Dhismaha jeelka weyn ee Hargeysa oo la dhisay sannadihii 1940-maadkii, waxa beryahanba ka taagnayd cabasho ku saabsan maxaabiista jeelka ku jirta iyo xadiga loogu tala galay oo aad u kala badan iyo xaalada nadaafadiisa iyo caafimaadkiisa.

Hase yeeshee, mashruucan dib u dhiska jeelka Hargeysa, waxa uu bilaabmay laba sannadood ka hor, iyada oo loo qorsheeyey in jeel cusub laga dhiso dhul banaan oo ku yaala bariga magaalada Hargeysa, walaw aan la ogayn waqtiga ay xukuumadda iyo hay’adda UNDP ku heshiiyeen in jeelka halkiisii hore loo daayo, haddana meel kasta halaga dhisee, waxa la filayaa in dhismaha cusubi soo afjaro cabashadii dadweynaha ee la xidhiidhay cidhiidhiga jeelka iyo nadaafadiisaba.

 

Source Haatuf.net

 

 

 

 

 
     
     
 

Copyright © 2001-2007 Hargeysa Online , All Rights Reserved   

 
 

contact@hargeysa.org

boggahargeysa@yahoo.se