Ururka Qoraaga Somaliland:  Canbaarayn qabashada suxufiyiinta Haatuf  
  4 Jan 2007  
     
     
  Ururka Qoraaga Somaliland, wuxuu aad iyo aad uga xunyahay xadhiga aan xeerka dalka loo marin, ee lagu xidhay maamulkii wargeyska madaxa bannaan ee Haatuf. Waa nasiib darro in ay soo noqnoqoto foolxumada xadhigga noocan oo kale ah. Waxay wax weyn u dhimaysaa kalsoonida saxaafadda dalka, waxay diciifinaysaa ra'yiga dadweynaha. Xadhiga noocan ahi wuxuu dhaawac u geysanayaa xorriyadda saxaafadda iyo geedi socodka wada-tashiga.

Haddii maamulka wargeyska lagu hayo meel-kadhac iyo denbi uu galay oo ka baxsan xeerka saxaafadda u yaalla, waa in loo maraa qaabka loogu talo galay in muwaadinka loo maro, marka uu denbi geysto. Qaabka qafaalashada iyo xoogga loo adeegsado muwaadiniinta, waa mid noqonaya qalad in lagu saxo qalad. Sida xeerarka dalka u yaallaa dhigayaan, waa in loo maraa jidka toosan ee dalka loo dejiyey. Mana jiro qof xeerka gacmaha ku sita oo siduu doono ka yeelaya. Ugu danbayn Ururka Qoraaga Somaliland wuxuu ugu baaqayaa hay'adaha dawliga ah ee arrinkani khuseeyo inay si degdeg ah wax uga qabtaan.

Ururka Qoraaga Somaliland, waa urur ku bahoobay qalinka iyo qoraalka. Mana taageersana in qalinka loo adeegsado xumaan. Mana taageersana ciddii jebisa xeerka saxaafadda dalka u yaalla.

Ururka Qoraaga Somaliland / Somaliland Writers Association Guddoomiye: Cabdiraxmaan Xaashi Sweden

 

 

 

 

 

 
     
     
 

Copyright © 2001-2007 Hargeysa Online , All Rights Reserved   

 
 

contact@hargeysa.org

boggahargeysa@yahoo.se